DAAWO Madaxweyne Farmaajo oo si rasmi ah u xaqiijiyey fulinta arrin muhiima oo in badan muran ka dhashay (Aqri)


Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa ka hadlay doorashada la filaayo inay ka dhici doonto dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xaqiijiyey in dalka ay ka dhici doonto doorashada xor ah sanadka 2020, waxa uuna tilmaamay inay noqon doonto doorasho taariikh ah.

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in dowladihii hore looga bartay inay soo baraarugan xilliga ay doorashada soo dhowdahay kadibna qaban qaabo la bilaabo, hase yeeshee ay tani ka duwan tahay, isla markaana wixii dadaal ah ay bilaaben xili hore.

Waxa uu Farmaajo sheegay in dowladiisu ay howlaha doorashada bilowday iyadoo Sanad iyo bar jirta, taasina ay daliil u tahay inay u diyaar garooben qabashada doorasho nin iyo codkii ah.

HALKAAN KA DAAWO

Nuqul kamid ah haddalka Farmaajo ayaa ah “Waxaa caado ahaan jirtay in marka doorasho ay soo dhowdahay in markaasi la ordo oo qaban qaabo la galo, kadibna wax walbo faraha ka baxaan, laakiinse annaga oo Halsano oo Afar ama Shan Bil joogna ayaan go’aan ku qaadannay inaan ka howlgalno qaabkii iyo habkii doorashooyinka loo geli lahaa 2020, arrintani waxay ku timid midnimo iyo hoggaan sax ah oo ka yimid hanka dowlad goboleedyada”.

Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in muhiim ay tahay in dalkaan ay ka dhacdo doorasho qof walba uu ka qeybqaato, si loo helo isbedallo.

Haddalka Madaxweyne Farmaajo ayaa imaanaya xili sanadka 2020 la filayo in dalka ay ka dhacdo doorashada qaabka xisbiyada, iyadoo ay ka qeybqaadan doonaan shacab badan oo Soomaaliyeed.

Update


Nagala Soo Xiriir

dalxus@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *