Deg Deg Dhageyso: Dad badan oo si lama filaana ugu dhintay Afgooye & kuwo maqan nolol iyo geeri


inta la xaqiijiyay 8 qof ayaa dhimatay 12 kalena wali ayaa la baadi goobayaa nolol iyo geeri kadib markii ay caawa la rogantay dooni ay saarnaayeen oo ku socotay wabiga Shabeelle ee mara degmada Afgooye.

Doonida gadoontay ee dadkani ku dhinteen ayaa la sheegay inay ka baxday degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose kuna sii jeeday deegaanka mareerey ee isla gobolkaasi.

Dadkii sarnaa doonida qaarkood ayaa dabaal kaga badbaaday biyaha wabiga iyad oo dabeyl ama hir badan waday waxana la sheegay in dadka ku dhintay 6 qof isku qoys yihiin.

Qof ka mida dadka Degmada Afgooye oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay sida ay wax u dhaceen waxana uu sheegay in wali baadi goob loogu jiro dad ku maqan biyaha wabiga oo aan la ogeyn inay geeriyoodeen iyo inkale.

 

Update


Nagala Soo Xiriir

dalxus@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *