DHAGEYSO: Ciidamo hor leh oo gaaray Tukaraq, Xiisadda oo sii xoogeysatay iyo Kaalinta Itoobiya ee Dagaalka Somaliland iyo Puntland


Ciidamadaan oo ka yimid dhanka magaalada Buuhoodle ayaa gaaray jiidaha dagaalka ee deegaanka Tukaraq si ay u xoojiyaan ciidamada Puntland oo wayahaan uu dagaal kaal dhaxeeyay kuwa Somaliland

Dadka deegaanka ayaa maanta waxaa ay soo sheegayaan inay korortay cabsida ay ka qabaan dalaalo kale inay dhacaan maadaama si weyn dhinacyada is hor dhafiyay iskugu hub aruursanayaan.

Ciidamada cusub ee Puntland geysay deegaanka Tukaraq ayaa sii huriya xiidada dagaal ee dhowr maalin ka taagan Gobolka sool oo labada maamul ee diriska ah isku heystaan.

CODKA TUKARAQ HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO

Dhanka kale wadamadan beesha caalamku waxa ay dalalka gobalka bariga Afrika ee ku bahoobay IGAD, u xilsaareen inay u hawlgalaan sidii xaalad nabadeed loogu soo dabaali lahaa colaadda Tukaraq ee u dhaxaysa Somaliland iyo Puntland.

Warku wuxuu xaqiijiyay in wadamadani ay si gaar ah daminta xiisadda dagaal ee Somaliland iyo Puntland ugu xilsaareen dawladda Itoobiya oo xidhiidho dhinacyo badan la leh Somaliland iyo sidoo kale maamulka Puntland ee Soomaaliya.

Wararku waxay intaas ku dareen in laga yaabo inay Itoobiya socdaal la xidhiidha nabad raadintan iyo doonista ay Itoobiya ku doonayso inaan dagaal dambe dhicin ku tagaan masuuliyiin ka tirsan dawladda Somaliland.

CODKA KAALINTA ITOOBIYA EE TUKARAQ HOOS KA DHAGEYSO

Somaliland ayaa dhawr goor ugu baaqday dalalka beesha caalamka inay awoodooda isugu geeyaan sidii ay maamulka Puntland ugu qancin lahaayeen inuu joojiyo dagaalada.

Laakiin iyadoo ay beesha caalamku ku hawlantahay daminta dagaal mar dambe qarxa, ayaa waxa ay Puntland iyaduna ku hawlantahay abaabul dagaal, waxaanu madaxweyne­xigeenka Puntland toddobaadkan ku dhawaaqay inuu bilaabmi doono dagaal lagu lagu hoobtaa.

Update


Nagala Soo Xiriir

dalxus@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *