DHAGEYSO: Mas’uul Dowlada ka tirsan oo la ogaaday  in uu Al-shabaab ka mid yahay (ogow xilka uu u qaabilsanaa)


Ibraahim Aadan Ibraahim Guddoomiyaha degmada Diinsoor ee Gobolka Bay ayaa sheegay in ku xigeenkiisii dhanka amina uu noqday Al-shabaab isla markaana uu fududeeyay dilka dad badan oo lagu qaarijiyay deegaanada Maamulka Koofur Galbeed.

Waxaa uu sheegay gudoomiyu mas’uulka la ogaaday in uu shabaab yahay inuu soo magacaabay madaxweynaha Koofur Galbeed waxana waday sida uu yiri qaar ka mida odoyaal dhaqameedka deegaanada maamulkaasi.

Dhanka Guddoomiyaha ayaa Beeniyay inuu degmada ka masaafuriyay Labada Guddoomiye ku xigeen ee Arimaha Bulshada iyo Amniga iyo Sidoo kale Xoghayaha Dowladda Hoose ee degmadaasi, sidoo kale waxa uu beeniyay Gudaha degmada ay Ciidamada Dad ku dileen iyo qodobo kale ayuu ka hadlay.

Update


Nagala Soo Xiriir

dalxus@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *