Dhageyso: Puntland oo Dagaal Cusub ugu hanjabtay Somaliland iyo Xogtii ugu dambeysay ee Tukaraq


Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland ayaa shaaciyey inuusan is taagi doonin Dagaalka ka socda Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, Ilaa inta ay Puntland kala soo wareegeyso deegaanada ay Somaliland ka heysato, sida uu halka u dhigay.

Eng. Cabdixakiin Xaaji Cumar Cameey Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo booqasho ku tegay Magaalada Buuhoodle ayaa sheegay in Dadka Reer Buuhoodle looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan Dagaalka ay Puntland kula jirto Somaliland.

Waxa uu si weyn ugu goodiyey in Puntland aysan Dagaalka joojin doonin inta ay Gacanta ku dhigeyso Deegaanada ku jira gacanta Somaliland ee hoostada Gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

HALKAN KA DHEGEYSO HADALKA ENG CAMEEY

Xaalka Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxa uu ahaa mid degan, Waloow Ciidamada laba dhinac ay weli halkaas isku hor fadhiyaan.

Update


Nagala Soo Xiriir

dalxus@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *