DHAGEYSO SIR CULUS: Yaa ka danbeeya Khilaafka madaxda sare ee Galmudug.


Madaxweynha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farjaamo yo R/wasaaraha xukuumada Xasan Cali Kheyre ayaa lagu edeyay inay ka danbeeyaa qilaafka ka dhax aloosan madaxda sare ee Galmudug.

Qilaafka ka dhaxeeya hogaanka Galmudug ayaa la sheegay in uu ka bilowday isku darka maamulada Ahlu sunna Galmudug oo madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi iyo Gudoomiyaha Barlamanku ay tilmaameen in la jebiyay heshiiskii jabuuti ee ahaa in isku darka mamulka lagu saleeyo awood qeybsi qabaa’ilada Mudug iyo Galmuduud balse ku tagri fal awoodeed lagu kacay.

Maxamed Nuur Diidi oo ka mida Wasiirada maamulka Galmudug ayaa sheegay in hada qilaafka jira ay ka danbeeyaan madaxweynaha iyo R/wasaaraha ayna adeegsanayaan sida uu yiri Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Barlamanka.

Ujeedka ayuu ku sheegay inay rabaa doorashada 2020 inay Galmudug xildhibaano badan ka helaan oo ay hada kanbeynka sii bilahaabayaan sida uu yiri.

 

Update


Nagala Soo Xiriir

dalxus@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *