DHAGEYSO WAR CUSUB : Kenya oo sheegtay inay taag weysay weerarada Al-shabaab iyo Qershe…..


Kenya-RisaalaFM- Dowladda Kenya ayaa waxa ay sheegtay in ay adag tahay in laga hortago weerarada xoogaga ururka Al-shabaab ay ka geysanayaan gudaha dalka Kenya gaar ahaan magaalooyinka gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

Guddoomiyaha Magaalada Gaarisa Cali Buunow oo la hadlay VOA-da ayaa waxa uu sheegay in Shabaab ay kordhiyeen weerarada ay ka geysanayaan gobolka Waqooyi Bari Kenya, kadib markii bishan gudaheeda ay dhaceen weeraro dhawr ah.

Wuxuu sheegay in ay adag tahay in laga hortago weerarada Shabaab ay geysanayaan, maadaama uu tilmaamay in ay la shaqeeyaan dad ka soo jeeda gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in muhiim ay tahay in laga hortago weerarada Shabaab, si shacabka ay u helaan nolol aan walbahaar ku dhisneyn, taasi bedelkeeda ayuu ugu baaqay laamaha ammaanka Kenya in ay kordhiyaan hawlgalada ammaanka lagu xaqiijinayo.

Update


Nagala Soo Xiriir

dalxus@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *