DHAGEYSO XOG CULUS: Abaabul Mooshin ka dhan Ra’iisal wasaare Kheyre oo Muqdisho ka bilowday (Maxaa Sababay?)


Warar hoose oo ay heleyso Wakaalada Dalxus.com ayaa sheegaya in Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ay Muqdisho ka wadaan kulamo ay kaga soo horjeedaan Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre waxaana la ogaaday in qorshahooda ay qeyb ka tahay Dowlada Imaaraadka oo laga doonayo inay maalgaliso Mooshin culus oo laga diyaarinayo Ra’iisul wasaaraha.

Qaar ka mid ah Hotelada Muqdisho waxaa maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay kulamo ka dhan Ra’iisul wasaare Kheyre waxaana arintan ay ka dambeysay ka dib markii uu Albaabka ka xirtay Kheyre Xildhibaano badan oo sabab u ahaa inuu xilka iska casilo jawaari, waxayna ka caroodeen balanqaadyo uu u sameeyay Ra’iisul wasaaraha uu kaga baxay.

Dowlada Imaaraadka ayaa la ogaaday inay si dublumaasi ah ula socoto kulamadan Muqdisho ka socda, waxaana laga yaabaa inay fursad weyn u aragto Imaaraadka maadaama khilaaf xoog leh uu kala dhaxeeyo Madaxda Dowlada Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa ku qasbanaaday inuu xiriirka u jaro Xilhibaanadan ka dib balanqaadyo uu sameeyay uu ku guul dareystay inuu fuliyo waxayna arintaasi keentay inay ugu hanjabaan in Mooshin ay xilka kaga qaadi doonaan.

Update


Nagala Soo Xiriir

dalxus@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *