Wararkii ugu danbeyay Alshabaab oo weerar culus ku qaaday saraakiil Mareykan ah


Askari Mareykan ah ayaa lagu dilay iyo ugu yaraan laba askari kale oo Soomaali ah, waxaana lagu dhaawacay afar askari oo Mareykan ah kadib weerar culus oo Alshabaab ku qaaday oo ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo.

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo aya sheegaya in weerarka oo gaadmo ahaa uu ka dhacay degaanka u dhaxeeya Buulogaduud & Baar-sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo, waxaana la sheegay in qasaare uu soo gaaray ciidamadii Mareykanka iyo kuwii la socday ee dagaalku qabsaday.

Waxaa la xaqiijiyey in askari Mareykan ah lagu dilay weerarka Alshabaab, iyadoo lagu dhaawacay afar kale oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya.

Warkan ayaa soo kordhaya iyadoo wakaaladaha wararka dunida iyo warbaahinta ay si weyn u hadal hayaan.

Update


Nagala Soo Xiriir

dalxus@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *