XOG DHAGEYSO: Go’aan Yaab leh oo laga qaadanayo Xiisada Tukaraq & C/wali Gaas oo dacwad Gudbiyay


Warar hoose oo aan ka heleyno magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas xalay warqad u gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ku aadan in shirka Amniga Qaranka lagu daro qodobka dagaalka Tukaraq iyo go’aanka kama danbeyska ah ee Dowladda Federaalka ka qaadaneyso.

C/wali Gaas ayaa madaxweyne Farmaajo ka codsaday in qaraar rasmi ah oo loo dhan yahay laga soo saaro dagaalka Tukaraq oo u dhaxeeyo Ciidamo kala taabacsan Maamulada Puntland iyo Somaliland.

Dad badan ayaa dagaalka Gobolka Sool ku dhexmaraya Puntland Iyo Somaliland ku barakacay,waxaana hadda jidaha hore ee dagaalka wali isku horfadhiya Ciidamadii ku dagaalamay.

Puntland iyo Somaliland ayaa midba midka kale ku eedeynaya qaaditaanka dagaalka,waxayna arrintaan saameyn ku yeelatay dadkii deegaanka oo badi guryahooda dibad joog ka ah.

Update


Nagala Soo Xiriir

dalxus@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *