DHAGEYSO: Kheyre oo si an gabasho laheyn ugu dhaartay dadka mucaradsan iyo warar sheegaya in


Ra’isul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa mar kale ku Celiyay in ay laali doonaan dhammaan dhaqamada xun oo uu kamid yahay Musuq-maasuqa.

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu sheegay inay la dagaalamayaan shaqsiyaadka ku sifoobay Musuqa iyo Khilaafka waxa uuna tilmaamay inaan loo dulqaadin Karin in laaluush la qaato.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay horay u socoto, lana aqbali doonin, wax kasta oo dib u dhigaya, isagoo ku tilmaamay kuwa wada musuqmaaasuqa inay doonayaan in dib ay u dhigaan dalka.

CODKA HALKAN KA DHAGEYSO

Waxa uu sheegay inaan laga raali noqon doonin shaqsiyaad ka tirsan Dowlada oo ku mashquula qaadashada Laaluushka, kuwaasi oo uu sheegay inay ka sifeyn doonaan Xarumaha Dowlada…..

Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka, waxaana xusid mudan in xukuumadda Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre, ay kal hore ansixisay, xeerka la dagaalanka Musuq-maasuqa.

Update


Nagala Soo Xiriir

dalxus@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *