XOG 5 arrin oo dowlada Qatar u diideysa inay si fudud ula wareegto dekadda Hobyo


Waxaa Soomaaliya ku sugan wafdi caalami ah oo ka scoda Dowladda Qatar kuwaa oo sahminaya dekadaha dalka iyagoo ujeedkoodu yahay iney maalgashi ku sameeyaan qaar kamid ah dekadaha Soomaaliya.

Waxaa Dekadda Hubyo oo hoos timaado Maamulka Galmudug gaaray wafdi ka socda Dowladda Qatar oo sahminaya si ay u maalgashtaan waxana halkan hoose idinkugu soo gudbinayaa 5

Qodobo oo u saamaxeynin dowladda Qatar iney hesho maalgashiga dekadda Hobyo.

1-Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf wuxuu xeriir dhaw la’ leeyahay dowladda Imaaradka Carabta waxaana Maamulka Galmudug uu kamid yahay maamuladii ka hor yimid Dowladda Federalka Soomaaliya go’aankii ay ka qaadatay khilaafka Khalej­ka Carabta.

2-Dowladda Itoobiya oo dhawan heshiis dhanka dekadaha ah la gashay Dowladda Soomaaliya ayaa la saadaalinayaa iney muhiim u tahay Maalgashiga dekadda Hobyo oo dhacdo goob Strategic ah.

3-Dowladda Imaaraadka Carabta oo iyadana dooneyso inay maalgeshi ku sameysato Dekadaha Soomaaliya iyadoo la ogyahay inuu dagaal siyaasadeed ka dhaxeeyo dowladda Qatar iyo Dowladda Imaaraadka Carabta, wuxuuna khilaafkaas gaaray in dowladda Qatar la saaro cunaqabateyn, arrintaana waxay saameyn ku yeelan doontaa inay Qatar si fudud u hesho Dekadda Hobyo iyo Dekadaha kale ee Soomaaliya maadaama ay cadaadis kala kulmeyso dowladaha Khaliijka oo ay hormuud u yihiin Sacuudiga iyo Imaaraadka…

4-Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo oo taageersan Imaaradka Carabta islamarkaana intooda badan ka soo jeeda deegaanada Galmudug.

5-Khilaafka ka dhex taagan Madaxda Galmudug oo saameyn ku yeelanaya maalgashiga ay Qatar la rabto dekadda Hobyo maadama isku siyaasad iyo isku aragti aaneyn aheyn.

Update


Nagala Soo Xiriir

dalxus@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *